Sahanka Xog-aruurinta Caafimaadka Dhimirka ee Bulshada waxaa fulinaya Waaxda Caafimaadka Dadweynaha (Public Health Division) ee Magaalada Bloomington, taasoo u adeegta magaalooyinka Bloomington, Edina, iyo Richfield. Sahanku wuxuu wax ka weydiin doonaa caqabadaha caafimaadka dhimirka iyo sidoo kale kheyraadka iyo taageerada loo baahan yahay si loo horumariyo caafimaadka dhimirka iyo fayo-qabka. Jawaabahaaga shakhsi ahaan waa kuwo sir ah oo ay heli karaan oo keliya shaqaalaha Magaalada ee ka shaqaynaya mashruucan. Xogta sahanka waa la falanqeyn doonaa oo waa la sheegi doonaa iyadoo aan lala xiriirin qof gaar ah. Ma jiraan cawaaqib xumo ka dhalata ka qaybgal la'aanta sahankan xog aruurinta ah. Macluumaadka la ururiyay waxaa loo isticmaali doonaa in lagu horumariyo adeegyada iyo barnaamijyada shaqaalaha magaalada iyo degmada, iyo sidoo kale ururada shuraakada ah, oo ay ku jiraan la-hawlgalayaasha daryeelka caafimaadka, dugsiyada, iyo hay'adaha aan faa'iido doonka ahayn ee u adeega bulshadeena.
Sii waditaanka sahankan xog aruurinta ah, waxaad qiraysaa inaad akhriday oo aad fahantay ogaysiiskan.